Koroonaha-Macluumaad

FI Korona-info   EN Corona-info   SV Corona-info   RU Информация о коронавирусе   AR استعلامات كورونا‬

 

Bogga kan waxaa loo cusbooneeysiiyay sida soo socota:

3.12.2020 klo 11.40. Feyruuska koroonaha ee safmarka ah saameyntiisa sawnada la isla galo iyo sawnada kirismaska iyo goobaha la wada wadaago
30.11.2020 klo 14.00. Hey’adaha dowliga ahi waxeey soo rogeen xaddidaadyo cusub iyo talo soo jeedinno cusub, waqtiyada aay socdaan xanuunka koroonaha safmarka ah
30.11.2020 klo 14.00. A-Kruunu tilmaamaha degganayaasha waqtiga xaaladaha aan caadiga aheyn
30.11.2020 klo 14.00. Goobaha guud ee guryaha ka wada dhexeeysa
30.11.2020 klo 14.00. Shirarka degganayaasha iyo kulamada dhacdooyinka degganayaasha
30.11.2020 klo 14.00. Caawinta deriska
30.11.2020 klo 14.00. Adeegga macaamiisha
30.11.2020 klo 14.00. Isgaarsiinta iyo macluumaad bixinta

 


 

Feyruuska koroonaha ee safmarka ah saameyntiisa sawnada la isla galo iyo sawnada kirismaska iyo goobaha la wada wadaago

Hey’adaha dowliga ahi waxeey soo rogeen xaddidaadyo cusub iyo talo soo jeedinno cusub, waqtiyada aay socdaan xanuunka koroonaha safmarka ah

A-Kruu­nu tilmaamaha degganayaasha waqtiga xaaladaha aan caadiga aheyn

Guryaha goobaha la wada wadaago iyo doorarka sawnada

Shirarka degganayaasha iyo kulamada dhacdooyinka degganayaasha

Caawinta deriska

Adeegga macaamiisha

Isgaarsiinta iyo macluumaad bixinta

 


 

Feyruuska koroonaha ee safmarka ah saameyntiisa sawnada la isla galo iyo sawnada kirismaska iyo goobaha la wada wadaago

Feyruuska koroonaha cadadka faafiddiisu si baaxad leh ayeey u korodhay. Sababtaa awgeed ayeeynu kaga baajinnay daaraheenna sawnada la isla galo iyo sawnada kirismaska. Guryaha doorkoodii sawnada, si caadi ah ayeey u socon.

Goobaha naadiyada ku kulmaan iyo goobaha kale ee la wada wadaago waa la mamnuucayaa sida aay qabaan tusaalooyinka iyo awaamiirta hey’adaha dowliga ah. Goobaha dharka lagu dhaqdo ee daarta, degganayaasha wali weey isticmaali karaan.

Si loo xakameeyo fidista cudurka safmarka ahi, waxaannu idinka rajeeyneeynaa, in qof walba uu adeeco talo soo jeedinnadayada iyo xaddidaadyada kulammada sidoo kale doorarka sawnada: Imoow sawnada markaad caafimaad qabtid oo keliya, ka taxadir bedqabka caafimaad ee gacmo nadiifinta iyo hab wanaagga loo qunfaco, sawnadana la gal reerkaaga oo kaliya.

Waxeeynu xasuusineeynaa degganayaasheenna, in la adeeco tilmaamaha iyo awaamiirta khuseeya gacmo nadiifinta iyo hab wanaagga loo qunfaco, marka la joogo ama la marayo goobaha la wada wadaago ee daarta. Ka fogoow taabashada oogada, sida qataaarrada albaabada, meelaha la cuskado iyo batoonnada wiishka ku taabashada gacmo qaawan ama wasaqeeysan.

Wargelinnada cilladaha inagu soo ogeeysiiya farriimo, haddii guriga uu ku sugan yahay qof xanuunsan, cudurka koroonha looga shakisan yahay amaba koroonaha awgii loo karantiilay. Waxaanu idinka codsaneeynaa, in aad dib u dhigtaan codsiyada cillad bixinta aanan degdegga aheynin. Macluumaadyada ku saabsan shirkadda cillad bixinta daaraha, waxaad ka heli bogagga internetka degganayaasha ee daar walba.
(Fadlan ogoow, in macluumaadka boggaasi lagu qoray afka ingiriisiga.)

 

Hey’adaha dowliga ahi waxeey soo rogeen xaddidaadyo cusub iyo talo soo jeedinno cusub, waqtiyada aay socdaan xanuunka koroonaha safmarka ah

Caasimadda iyo nawaaxigeeda, waxeey gaartay heer uu cudurka safmarka ahi aay ku baahday. Waxaanuna ka rajeeyneeynaa qof walba oo deggan A-Kruunu, in uu u hoggaansamo tilmaamaha la bixiyay qeybta kaaga aadan inta uu awoodo ee suurtogalka ah, si feyruuska baahiddiisu iyo sare u kiciisaba loo joojiyo.

Hey’adaha dowliga ah ee caasimadda iyo nawaaxigeeda iyo kooxda koroonaha isku duwda waxeey sheegeen, in la soo rogay xaddidaadyo cusub iyo talo soo jeedinno cusub, xaddidaadyada iyo talo soo jeedinnada cusub waxeey quseeyaan dadka waaweyn howlaha la xiriira dookhooda, goobaha dadweynaha aay wax ku qabsadaan, goobaha sida gaarka ah loo leeyahay ee wax lagu qabsado, goobaha la wada leeyahay,  goobaha heerka labaad ee waxbarashada iyo isticmaalka waji xirka tusaale ahaan kuwa goobta shaqada jooga iyo ardada dugsiyada sare dhigta.

Xaddidaadyada iyo talo soo jeedinnada waxeey dhaqan gelayaan laga billaabo23.11.2020 waxeeyna soconayaan illaa mar dambe. Intaa waxaa dheeraad, magaalooyinka goobaha aay maamulaan ee la xiriira ku qabashada gudaha xagga kooxaha da’doodu ka weyn tahay 20 sano iyo howlaha dookha isboortiga ee istaabashada la xiriirta, waxaana la joojinayaa laga billaabo 23.11.2020 illaa saddex usbuuc, halka goobaha la wada wadaago ee kulammada gudaha lagu qabto waxaa la xaddidayaa ugu badnaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya 20 qofood laga billaabo 23.11.2020 waxuuna socon muddo saddex usbuuc ah.

Akri macluumaa sugan ee xaddidaadda iyo talo soo jeedinnada ee caasimadda iyo nawaaxigeeda kooxda koroonaha isku duwda bogaggooda internetka. (Fadlan ogoow in bogagga lagu qoray luqadda ingiriiska.)

Aagga Uudenmaa kooxda koroonaha isku duwda waxeey ku talinayaan, in xaddidaadyada iyo talo soo jeedinnadaaay tahay in sidoo kale laga dhaqan geliyo goobaha kale ee Uudenmaa.

Waxaan ka codsaneeynaa dadka deggan degaannadeenna, in aay u qaataan xaaladda si dhab ah. Cudurkaan safmarka ah faafiddiisu caqabadda la xiriirta waa arrin muhiim ah, in hey’adaha dowliga ahi xaddidaadda adag iyo talo soo jeedinnadoodaba la adeeco oo loo hoggaansamo.

Qof walboo inaga mid ah howl qabadkiisa gaarka ah ayuu ku xakameyn karaa faafidda feyruuska koroonaha:

  • Xasuuso badqabka kala fogaanshaha
  • In badan si taxadir leh gacmaha u dhaqo
  • Ku qunfac xagasha gacantaada ama maro tirtirka sanka
  • Isticmaal waji xirka haddii aadan ka fogaan karin qofka ku xiga
  • Doorbid ku shaqeynta goobaha beriga ka ah goobshaqeedka
  • Haddii aad ka shakisid in caabuq ku haayo, aad goobaha lagu baaro.

Howlaha kala duwan ee A-Kruunu aay qabato, si loo hakiyo fidista cudurka safmarka ah, waxaa habboon in la adeeco oo loo hogaansamo tilmaamaha iyo awaamiirta hey’adaha dowliga ah.

Faahfaahin dheeraad ah ee macluumaadka feyruska koroonaha ka dheeho bogagga hey’adda caafimaadka iyo bedqabka.

 

A-Kruu­nu tilmaamaha degganayaasha waqtiga xaaladaha aan caadiga aheyn

Xaaladda aan caadiga aheyn waxeey hadda saameyn ku yeelatay howlo maalmeedyada oo dhan. Haba ugu sii badnaatee howlo maalmeedyada ku qotoma xaaladaha guriga. Tani waxeey kaga baahan tahay dadka dhan, in aay u hogaaansamaan awaamiirta iyo degganayaasha kale ayagoo mudnaan la siinayo. Annaga ka A-Kruunu ahaan waxaan ku dadaaleeynaa, in aanu howlaha macaamiisheenna si wanaagsan u gudanno xilliga koroonaha sida dayactirka iyo howlaha nadaafadda. Xagga nadaafadda waxaanu ku dadaali doonnaa, in aan sii xoojinno sidii loo joojin lahaa fidista feyruuska, annagoo mudnaan weyn siin doonna dilista jeermiska iyo nadiifinta tayada leh sida xagga oogada meelaha gacmaha la saaro ama aay gaaraan.

 

Guryaha goobaha la wada wadaago iyo doorarka sawnada

Goobaha la wada wadaago, ku qulqulka ama ku dhex socoshada aan loo baahneyn waa in laga fogaadaa. Gaar ahaan waalidiintu waa in aay ka ilaaliyaan ku qulqulka ilmahooda goobaha la wada wadaago iyo goobaha lagu ciyaaro ee shirkadda guriga.

Goobaha sigaarka lagu cabbo, waa in laga fogaadaa ku sugnaanshaha aan loo baahneynin. Xaalad walbaba waxaa habboon, in fiiro gaar ah loo yeesho bedqabka kala fogaanta  loo jirsado dadyowga kale.

Daaraheenna waxaan kaga baajinnay, gebi ahaanba sawnada la wada galo. Guryaha doorkooda sawnada gaarka u ah, sida caadiga aheyd ayeey u socon. Haddii aad dooneeysid door cusub ee sawnada, kala xiriir shirkadda cillad bixinta ee daarta gurigaaga. Macluumaadyada ku saabsan shirkadda cillad bixinta daaraha, waxaad ka heli bogagga internetka ee degganayaasha. (Macluumaadka bogagga lagu qoray waa luqadda ingiriiska)

Si loo xakameeyo fidista cudurka safmarka ahi, waxaannu idinka rajeeyneeynaa, in qof walba uu adeeco talo soo jeedinnadayada iyo xaddidaadyada kulammada, sidoo kale doorarka sawnada: Imoow sawnada markaad caafimaad qabtid oo keliya, ka taxadir bedqabka caafimaad ee gacmo nadiifinta iyo hab wanaagga loo qunfaco, sawnadana la gal reerkaaga oo kaliya.

Goobaha naadiyada ku kulmaan iyo goobaha kale ee la wada wadaago waa la mamnuucayaa, sida aay qabaan tusaalooyinka iyo awaamiirta hey’adaha dowliga ah. Goobaha dharka lagu dhaqdo ee daarta, degganayaasha wali weey isticmaali karaan.

Waxeeynu xasuusineeynaa degganayaasheenna, in la adeeco tilmaamaha iyo awaamiirta khuseeya gacmo nadiifinta iyo hab wanaagga loo qunfaco, marka la joogo ama la marayo goobaha la wada wadaago ee daarta. Ka fogoow taabashada oogada, sida qataaarrada albaabada, meelaha la cuskado iyo batoonnada wiishka ku taabashada gacmo qaawan ama wasaqeeysan. Isticmaal wiishka adiga keligaa, ama la raac qolyaha kula socda, waxaase la idinka doonayaa adeecista talo soo jeedinnadda kala fogaanshaha.

Wargelinnada cilladaha inagu soo ogeeysiiya farriimo, haddii guriga uu ku sugan yahay qof xanuunsan, cudurka koroonha looga shakisan yahay amaba koroonaha awgii loo karantiilay. Waxaanu idinka codsaneeynaa, in aad dib u dhigtaan codsiyada cillad bixinta aanan degdegga aheynin. Macluumaadyada ku saabsan shirkadda cillad bixinta daaraha, waxaad ka heli bogagga internetka ee degganayaasha. (Macluumaadka bogagga lagu qoray waa  luqadda ingiriiska.)

 

Waji xirka, maryaha jeermiska nadiifiya, shukumaannada qoyaanka leh iyo marada san tirtirka, intuba ma khuseeyaan godka musqusha in lagu rido. 

 

Shirarka degganayaasha iyo kulamada dhacdooyinka degganayaasha

Gabi ahaan shirarka 2020 ee degganayaasha guryaha waxaa loo qaban habka aaladda Teems-ka ee shirarka. Qaar ka mid ah shirarka waa la qabtay, khibradaha laga dhaxlayna waa mid hagaagsan.

Gabi ahaan kuwa kale ee kulammada dhacdooyinka degganayaasha ee goobjoogga la yahay waxaa loo wareejiyay mustaqbalka. Sidaa sahlan ayaa waqtiga dijitalka ah lagu maareeyaa kulammada dadyowga degganayaasha guryaha, laguna dardar geliyaa kooxaha warbaahinta arrimaha bulshada. Wax walba oo farxad ku dhalin kara dadka kale, waqti xaadirkaan waa la oggolyahay. Waxaa la oggolyahay tusaale ahaan si wadajir ah in heeso la wada qaado ayadoo markaasi aay cid walba aay goobjoog ku tahay balakoonkooda iyo waxii kale ee aay curin karaan oo hab dhaqan bedqab ah oo wadajir ahaaneed.

Aynu xasuusinno shirkadda guriga boggeeda faysbuugga iyo kooxaha kale hab dhaqan wanaag iyo xafidaadda sharafta dadka.

 

Caawinta deriska

Dadka oo dhan ma wada laha ku xirnaanta waqtiga dijitalka, haddaba waa in aaynu xasuusanno deriskaasi. Waxeeynu u sameeynay degganayaasheenna isticmaalka wargelinta boorarka, halkaas oo kuwa doonaya degganayaasheenna in eey caawiyaan, aay halkaasi macluumaadkooda ku biirin karaan. Waxeeynu keeni doonnaa daarta boor wargelinnada lagu qoro, haddii kalena adiguba waad daabici kartaa wargelinta tan oo waad ku dhajin kartaa boorka wargelinnada.Waxaad wargelinta ka daabacan kartaa boggeena internetka waa halkaan. Haddii aad ogtahay, in dariskaaga aay ku jiraan dad ka weyn 70-sano jirro ama qof ka mid kooxada khatarta ku jirta, waad haddaba uga tuuri kartaa godka boostadiisa warqaddaasi, waadna ku caawin kartaa kaalmo xagga dukaanka ama adeegga farmashiyaha.

 

Adeegga macaamiisha

Waxaannu ugu adeegnaa macaamiisheenna xagga email-ka iyo telefoonka. Arji u qorashada guryaha sidii caadiga aheyd ayeey kaga socotaa bogaggeenna internetka.

Tel. 0207 207 100
isniin–jimco saacadda 12-14.30
vuok­raus@a-kruu­nu.fi

Waxeeynu idin ka codsaneeynaa, in wargelinnaada cillaadaha ee annaga na khuseeya iyo kuwa kale ee wada shaqeynta aanu leennahay, in aad noo reebtaan, kuwooda aan degdegga aheynna waqtiyada dambe dib inoogu dhigtaan. Xaaladda shaqada ee degdegga ah farriin nagu wargeli, haddii uu guriga uu joogo qof xanuunsan oo looga baqayo in uu qabo koroona ama sababtaas awgeed karantiil loo galiyay. Sidaas ayaannu si huffan uga rogaal celin doonnaa. Daar walba waxaad ka heli A-Kruunu boggeeda internetka bogagga degganayaasha daarta. 

 

Isgaarsiinta iyo macluumaad bixinta

Mar walba hadba baahida jirta ayadoo la eegayo weeynu cusbooneeysiin tilmaamaha iyo awaamiirta, waxaana laga akhrin karaa bogagga internetka ee A-Kruunu. Gebi ahaan wargelinnada waxaa sidoo kale loogu diri doonaa degganayaasha email-ka, kuwa aanu heyno email-ladooda, intaa waxaa ka dheeraad ah, in aanu ku dhajin doonno boorta wargelinnada daaraha.

Go up